Lix waxyaabood oo aan ka baran karno reer-galbeedka

0

Waxaa jira waxyaabo badan oo wanaag ah oo ay tahay inan kaga dayano ama ka barano reer-galbeedka, kuwaasoo ah waxyaabaha u sahalay  inay horumar iyo Nabad ku noolaadan, dunidana hoggamiye ka noqdaan. Aan halkan kusoo koobo shan ka mid waxyaabo ay tahay inan ka barano reer-galbeedka.

1) Cilmiga iyo sida loo barto

Dhabcan, dunida horumartay waqtigan waxaa leysku qiimeeyo ayaa ah maxaa taqaanaa oo aad cilmi u leedahay. Waxaanba xisaabta ku jirin halqabsiga Soomaalida ee ah YAA TAHAY! Waxaanna  kawada dheregsanahay in reer galbeedka si aad ugu horumareen cilmiga maaddiga. Waa muhiim inan ka barano . Tusaale ahaan, waxaan ka baran karnaa cilmiga bini-aadamka, tikniloojiyada, siyaasadda IWM. Sido kale  Ku saleynta cilmiga howl kasta oo la qabanayo iyo sida cilmiyeysan ee dhibaatooyinka loo xalliyo. Waa dhab, in dunida oo dhan cilmiga la wada barto, laakin sidee loo bartaa cilmiga maaddiga iyo habka loogu bedelo camal, waxaan u baahanahay inan ka barano reer-galbeedka. Maxaa yeelay iyaga ayaa cilmiga maaddiga camal u bedelay.

2) Nidaamka.

Waddamada galbeedka, wax walba waa nidaam. Ma jirto howl bilaa nidaam ah. Shaqsi kasta wuxuu ogyahay halka uu wax ka bilaabayo iyo meesha uu ku dhameynayo. Ma arkeysid, sida qof inta iska soo tooso dhahaya, “ war saakay xageen qabtaa”. Carruur iyo cirroolle waxay leeyihiin nidaam dowladda u dejisay oo lagu hago noloshooda. Waxaa kasii fajac badan badan, xayawaanka iyo dhirtana hab iyaga u gaar ah oo lagu maamulaa jira. Gaadiidka dad weynaha waqtigooda kama dib dhici karaan kamana soo hormari karaan.

3) Qorshe Dejinta.

Shaqo ma qabtaan reer galbeedka illaa waa mid qorsheysan. Tobanka sano ee socda ama ka badan Dowladda waxaa u degsan wixii ay qaban laheyd. Shaqsiga caadiga ah waxaa  u qorsheysan sanaddaha foodda kusoo haya wuxuu qabsan lahaa iyo halka uu tiigsan lahaa. Si loo gaaro qorshahaas maalin walba ayaa laga shaqeeyaa. Waa hubaal qof kasta qofka uu ka qorsho badanyahay waa ka horreeyaa nolosha.

4) Karaameynta nolosha bini-aadamka

Galbeedka qof kasta oo ku nool wuxuu xaq u leeyahay inuu helo amaan,  hooy uu seexdo, cunto uu ku noolaado, caafimaad iyo waxbarasho. Intaas waa aasaaska nolosha. Waxaana waajib iska saaray dowladda. Mana jirto cid muran gelisa. Waxaa laga soo horjeeda qofka inuu gaajoodo, waxbarasho la’aan ku dhacdo, caafimad darrana u dhinto. Si qofka dadka ula mid noqdo waa inuu helaa intaas.

5) Dadka dhan waxaa ka sarreeya qaanuunka

Ninki xoog leh bay xaajo u toostaa kama jirto galbeedka. Qaanuunka ayaa ugu sarreeya oo loo hoggaansanyahay. Shacabka waa lawada simanyahay. Ma jirto cid cid kale ka sarreeysa. Shaqsigaa doonto ahaw midabkaa doontana yeelo. Qaaanuunka wixii kasoo harana, dadka tartan bay u galayaan, sida, xilqabashada, shaqooyinka IWM. Dunida seddexaad, sida Afrika qaanuunka dadna wuu ka sarreeyaa dadna wuu ka hooseeyaa. Si kale haddan u dhaho, sharciga dadna wuu qabtaa, qaar kalena xisaabtaba uguma jiro. Waana waxa kala duway labada qaarad.

6) Xorriyadda Hadalka

Galbeedka, qofku wuxuu xor u yahay inuu ra’yigiis cabbiro, dareenkiisana muujiyo. Cidduu doono ayuu qofka cambaareyn karaa, dhaleeceynna u jeedin karaa. Ma jirto cabsi ama cid ka reebeysa. Muhiimaddu, waa inay dhab kaa tahay sharcigana dhowrto. Dhankeenana, cidina intay dhiirato dhab wax uma sheegi karto.

Dhanka kale, reer-galbeedka waxay leeyihiin waxyaabo kaloo xun oo ay tahay inan iska ilaalino. Qormadeyda tan xigta ayaan ku eegi doonnaa Insha Allaha.

W/Q  Abdinasir Safaana
Email: Safaanahaji@gmail.com