Luis Enrique oo waayi kara shaqadiisa Barcelona keddib Khasaarihii PSG!

0

“Anigu 1 kaliya ayaan masuul ka ahay.” Kaasi waa hadalkii macallinka Barcelona Luis Enrique uu u sheegay Jordi Grau, Wariye ka tirsan Catalan station TV3, xilli uu ka hadlayay jabkii Talaadada ku dhacay kooxdiisa Catalan.

Marqaatiyaal aan badneyn ayaa joogay, garoonka balse kooxda Barca ayaa dhadhamisay mid ka mid ah guuldarrooyinkii ugu xumaa ee abid kasoo gaara Champions league. Xiisado xooggan ayaa ku kacay macallinka markii Parc des Princes ay kooxdiisu cashar 4-0 ah kasoo qaateen kulankii ka dhacay magaalada Paris.

Luis Enrique ayuu heshiiskiisu dhammaan doonaa marka xagaagan uu soo idlaado, balse waxaaba suuragal ah in uu shaqadiisa waayo ka hor qandaraaskiisa dhammaadkiisa, wuxuu joogaa xagaagiisii 3-aad ee tababare uu ka yahay Camp Nou. Hadda fursadda uu kusii shaqeyn karo waa mid aad u hooseysa.

Sababtoo ah Barca ayaa khasaare foolxun kasoo qaadatay Paris. Xilli ay dhulka la sintay PSG. Lionel Messi kama uusan soo dhalaalin ciyaartii Barca xilli sidoo kale la xakameeyay hab ciyaareedka wanaagsan ee Neymar.

Luis Enrique ayaa keydka geeyay Ivan Rakitic, waana qeyb ka mid ah dhibaatooyinkii ugu badnaa ee isaga asiibay kulankan. Ninkan u dhashay dalka Coroatia ayaa laga doortay Andre Gomes kaasoo aan soo bandhigin ciyaartii laga filayay ninka uu booskiisa qaatay.

Saxiixyada cusub ee kooxda sida Gomes, Lucas Digne iyo Paco Alcacer ayaan dhammaantood u qalmin saf billow ciyaaraha kooxda maaddaama ay ku jiraan weli la qabsi, balse macallin Luis Enrique ayaa fursadaha uu siiyo xiddigahaani yihiin kuwo aad u hooseeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here