M/Ku Xigeenka Galmudug oo Cadaado gaaray iyo Dhaq dhaqaaq ka dhan Xaaf

0

Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa maanta gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta Baarlamaanka Galmudug Galmudug.

Wafdiggaan ayaa ka yimid Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaa soo dhaweyay qeybaha kala duwan ee Bulshadda kunool Magaalada Cadaado.

Magaalada Cadaado ayaa sidoo kale waxaa Cadaado Gaaray Gudoomiyihii xilka laga qaaday Cali Gacal Casir.oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaaankii Galmudug ka hor intaan lagu darin Ahlusunna.

Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex taagan Madaxda Galmudug ayaa xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay, waxaana ay saldhigyo ka kala dhigteen Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb, waxaana laga cabsi qabaa in Garabka Cadaado ay dhankooda Mooshin ka dhan ah Madaxwayne Xaaf.