Ma ogtahay in Dariskii Aqalkaan Dabka ku dhajinayay xal laga gaaray?

0

Aqalkaan idiin muuqada ku dhawaad 30 Sano ayu Dhulka yiilay, waxaana laga dhisiwaayay ilmo edab daran oo ka Xumaa in Hadii Aqalkaan la dhiso uu ka qurxoonaado kooda waxayna dhulka dhigi jireen markasta oo lasoo gaaro in dhigaha lagu xiro, Ilmaha Masayrsan ee Darisku waxay adeegsan jireen oo waraf iyo dab u soo dhiibi jireen Caruurta uu Waalidood dhisayo Aqalkaan, Caruurtan ayaa Hooyadood Xiliyo badan is waydiisay su’aal ah toloow dhashaadii maahan miyaa kuwaan tiirka aad taagtaba kaa daba siibaya?, waxayna kasii xumaataa marka Hooyooyinka kale ku dhahaan inaad ka gablanto ayaaba dhaantay kuwaan ku lu gooyay, waxayna ku baroorataa inay waday ilmihii wanaagsanaa ee markii horaba ayagu Aqalkan u dhisay.

Cidkasta oo arinta Qoysaskaan gashaa xal waa u waayeen, Odayaashii Qoysaska ayaa markii danbe ka arinsaday arintaan, waxaana odayga Qoyska 30 sano la dulminayay gar gar-waaxeedka laysku dhuuqsaday u dhigtay Odayaaashii kale ee uu ka nasan waayay Caruurahooda, wuu aqli badnaaye waxuu garansiiyay in hadii aqalkiisu Dunsnaado ay Caruurtiisu Dariska dhibi doonan marka ay har iyo Hoyaad usoo doontaan, Odayaashii kale ayaa markii u sheegay in hada ay ku dhib qabaan qulqulka Caruurtiisa oo ay Cariiri ku dileen iyo qaarkood ilmaha ka dilaan, odaygii Aqliga badnaa ayaase arin kale kale oo muhiim ah xasusiyay taas oo ah in hadii uu dhismo aqalkiisu ay dabaysha iyo Cidlada iska dugaasha doonaan, Daris wanaag in lagu noolaado oo ilmahooda ay ka ceshadaan ayaa laysku af gartay iyo in ay Ilimhiisa u Nabad galiyaan oo aysan Gurigooda dab ugu dhiihin waxaas dhagaha loogu shubay waan ka leexanee kuwaaga iska qabo asagoo murugsan ayuu jidka soo qabtay oo la xasuusiyay dhibka Dhashiisu ku hayso

Oadaygiii ayaa soo laabtay asagoo Guul kasoo gaartay qayb kamida ah Sababaha uu Aqalkiisu u dhismi waayay Hooyadii Guriga oo ku howlan Dhismihii ayuu inta Shaalkiisii Gar-waaxeedsaday ku yiri u yeer Caruurteena haysku daalin aqalkaan ay dabka ka daba sitaane, waxuu yiri: maan dhooyow i dhagaysta dariska waan lasoo hadlay ilamahoodana waa naga ceshadeen oo mar danbe aqalkeena dumin maayaan adinkana idiin yeeri maayaan ee sadex arimood yeela, 1-Hooyadiin ka daaya dhibka oo iyo Ciilka aad maalin kasta badaan ee ah inaad Dumisaan waxay adinka qoraxda iyo qabowga inaad ka gaashaan inkugu tala gashay, 2-ana hay ceebaynina oo yaana noqon Oday gurigiisa dhashiisa ka ceshan wayay, tan sadexaad ayuu is dhahay Ficil tus bal inay ka masayraan Caruurta Dariska waxuuna yiri bal fiiriya sida Odayaasha aan ka soo tagay Ilmihiisu Aqaladooda u hagaagsadeed intaad kiina duminayseen.

Inta soo boodeen Caruurta wiliba intii wiiilasha ahayd ayay odaygiii ku dhaheen Aabe Hooyo aqalkaan ma dhisi taqaan firi sida uu u kala qalooco fiiri sida ay Dhigaha u saarayso hadaan laga qaban marka ay Dadbinta iyo wareeg saarto wuu dumaa, adiguna waad ku fiirsanee oo hadadaaba ud baha u soo qabatay, oadaygii oo yaaaban ayay intaas u raaciyeen waan ka leexaynaa haduu raabo markay dhamaydo ha dumee anaga hanaloo qalo wanka jiraaga ah ee idaha ku jira waayo Darisku waxay nagu siin jireeen Duminta aqalkaan adaa yiri ka joojiya, ayagoo hooyadood kula dhagan Dhismihii Aqalka,

Odaygii waa kasii Naxay warkoodii, wili waxuu xal u la yahay Caruurta aqalkooda Gubaysa hadow Xiri lahaana Xabsi ma qaado, ma baqaan mana Xishoodaan, waa su’aale ilmahaan maxaa lagu sameeyaa hadii Dariska Xal loo helay?

FG Madaxwayne Farmaajo Faragalintii wadamada dariska Xal waa u helay Balse Faragilnta Gudaha iyo Howsha oo lagu haysto ayaa wili taagan, rajaduna waa in taasna Xal lagaaro.

La wadaag saxiibadaa Mahadsanid

W/Q: Ali Yare Abdiwahab Aden