Maamulka Gobolka Banaadir oo Guddi u saaray Cabashada Ganacsatada Muqdisho

0

Guddi ay leeyihiin ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa maanta Kulan la qaatay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, si ay uga wadahadlaan sidii wax looga qaban lahaa Cabashada ay qabaan Ganacsatada.

Xilli maanta oo dhan uu xirnaa Ganacsiga Suuqa Bakaaraha, ayaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir wuxuu kulan la qaatay Guddiga ganacsatada Gobolka, iyadoo laga wadahadlay sidii uu maamulka Gobolku usoo faragelin lahaa Khilaafka dhanka Canshuuraha ah ee ka dhextaagan Ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sida ay Ganacsatadu ku Andacoonayaan waxay kusoo rogtay Canshuuraad dheeri ah, sida midda Iibka oo ay sheegeen in wasaaraddu ay dooneyso in ay uga qaaddo Dekadda, iyadoo taas Sharci aysan aheyn marka dhinac loo fiiriyo, maaddaama ay Badeecaddu jebi karto Qiimo ahaan, markii Suuqa la geeyo, haddii lagu qiimeeyo lacagta ay ku rarantahay ee dekadda lagu Canshuuro.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo toddobaadkii hore hadlay ayaa sheegay in Canshuurta lagu soo rogay Ganacsatada ay tahay wax aad u yar marka la fiiriyo qiimihii laga qaadi lahaa.

Maamulka Gobolka ayaa doonaya in uu dejiyo xaaladda ka dhextaagan Ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna guddi soo baara Cabashadooda u saaray Ganacsatada, iyadoo intaas keddib wixii kasoo Baxana lagula laaban doono Wasaaradda Maaliyadda.