Maamulka Gobolka Banaadir & Wafdi ka Socda Shiinaha oo Kulan ka yeeshay Horumarinta Muqdisho “Sawirro”

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda Dowladda Shiinaha, kuwaas oo horumarin Dhisme oo qiimo badan ka sameyn doono Gobolkan Banaadir.

Shirkadda uu la kulmay waxay ka shaqeysaa Horumarinta Magaalooyinka, waxayna dib u dhiska iyo dhismeyaal cusub ka sameyn doonaan Muqdisho.

Cabdiraxmaan Yariisow ayaa daaha ka rogay in xubnahaas ay ka wadahadleen sida ugu wanaagsan ee loo horumarin karo Magaalada Muqdisho oo dhowaan uun uu la wareegay maamulkeeda.

Muqdisho ayaa kulankan waxay ka heli doontaa Maalgashi iyo horumarin, sida uu sheegay Yariisow, wuxuuna intaas raaciyay in ay Caasimadaha caalamka la tartami doonto marka dhismaha iyo waxqabadka horumarinta loo eego, sida ay ballan qaadeen shirkadda uu kulanka la qaatay.

“Kulanka aan la qaatay wafdiga ka socda dawladda Shiinaha ee kamid ahaayeen shirkadaha ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka casriga ah, waxaan iskula soo qaadnay sidii Caasimadda dalka Soomaaliya ay ula tartami lahayd caasimadaha kale ee caalamka” ayuu yiri Yariisow.