Maamulka Shabeellaha hoose oo sheegay in Awooddii Shabaab ay ku Yaraatay Gobolka

0

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha hoose Cabdifitaax Xaaji ayaa sheegay in Shabaab awood ahaan ay aad hoos uga dhaceen halkii ay taagnaayeen Sanad ka hor, marka laga hadlo gobolka Shabeellaha hoose.

Wuxuu sheegay in sanadkii hore ay Gobolka ka dhaceen dilal qorsheysan iyo Qaraxyo Sababay in Ammaanka Gobolka loo aqoonsado mid aan sugneyn.

Cabdifitaax ayaa Hadalkiisa intaas Raaciyay in Sanadkan ay dejiyeen Istaraatiijiyad cusub oo dhinaca Ammaanka ah, taasoo wax badan looga qabanayo sidii dadka gobolkaas ay u heli lahaayeen Xasillooni ku filan.

“Sanadkan 2018 waxaan diyaarinay Hannaan Cusub oo aan Ammaanka Gobolka ku xaqiijineyno, waxaan ka hortegeynaa dhammaan weerarrada Ammaanka halista ku ah ee dhici kara” ayuu hadalkiisa ku daray.