Madaafiic lagu garaacay saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Beledweyne

0

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in madaafiic hoobiyaal lagu qiyaasay in caawa lagu garaacay saldhig ay ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin galbeedka Beledweyne.

Madaafiicdan oo tiradooda ay ka badnayd illaa iyo toban madfac ayaa sababay in ay ka qaxaan dadkii degenaa qeybo kamid ah xaafada Suuqa Xoolaha ee magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa waxa ay intaa raacinayaan in qaar kamid ah hoobiyaasha ay ku dhaceen guryo ay dad rayid ah degen yihiin balse illaa iyo hadda lama oga qasaaraha ka dhashay hoobiyaashan.

Lama oga cid ka dambeysay weerarka hoobiyaasha ah hase ahaatee dhowaan ayaa madaafiic lagu weeraray deegaanka Ceel Cali oo ka mid ah gobolka Hiiraan iyadoo uu ururka Alshabaab sheegtay inuu ka dambeeyay weerarkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here