Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Kaalinta ay ku leeyihiin Sport-ga (Warbixin xiiso leh)

0

Madaxda maamul Goboleedyada dalka ayaa waxay kaalin wanaagsan ka ciyaareen ciyaaraha dowlad Goboleedyada ee Muqdisho ka furmi doona maalinta Jimcaha, iyadoo xulalkoodu ay xaadir ku yihiin Gobolka Banaadir.

Sanadkaan ayuu qorshuhu ahaa in tartanku uu ka dhaco magaalada Kismaayo, balse waxaa taas hor istaagay in uusan diyaarsaneyn Garoonka Waamo oo tartanka lagu martigelin lahaa, iyadoo UNDP oo ka mid ah taabbageliyeyaashu ay sheegtay in Ammaanka Kismaayo aan la isku halleyn Karin.

Haddaba kaalinta ay Sport-ga ka taaganyihiin madaxda dowlad Goboleedyada halan ka aqri:-

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa habeen hore la kulmay xulka Galmudug ee koobka ka qeyb gelaya, wuxuuna sheegay in haddii ay koobka Qaadaan uu dhammaan Ciyaartoyda u Aroosin doono Xaasas, sidoo kale waxyaabihii uu ballan qaaday waxaa ka mid ahaa lacag aad u badan.

Ninkii gool ka dhaliya tartanka inta uu socdo ayuu sheegay in uu siin doono $300, halka ninkii goolkaas caawiyayna uu heli doono $200, taasoo la macno ah in ciyaartoyda Galmudug ay wataan dhiirrigelin ku filan.

Kulan kasta oo tartanka ka mid ah ninkii gool dhaliya ayaa heli doona lacagtaas oo ma aha mid maalin ama laba ku kooban sida uu madaxweynuhu sheegay.

Xalay waxaa kulan yeeshay Madaxweynaha Jubbaland iyo xiddigaha kooxdiisa waxaana uu sheegay in ay ciyaartoyda kooxdiisu muteysan doonaan Shaqo Abuur, haddii ay koobka Qaadaan.

Waxaa hadalkiisa ka mid ahaa “Ma aha koob waxa looga qeyb galo kaliya in la qaado, Dhaqan iyo Ciyaar wanaag ayaa qeyb ka ah, waxaad muteysan doontaan shaqo Abuur haddii aad sameysaan dadaalka aan idiin sheegayo”

Wuxuu sidoo kale ballan qaadyo u sameeyay ciyaartoyda kooxda Jubbaland oo uu sheegay in looga baahanyahay in ay ku daysadaan xiddigihii Beri Samaadkii ee looga baqi jiray Gobollada Jubbooyinka kuwaas oo ka qeyb geli jiray koobka.

Image result for Isku aadka tartanka maamul goboleedyada 2017

Xiddigaha xulka Puntland oo koobkan difaacanaya ayaa waxaa ay Sanadkii hore muteysteen Abaalmarinno uu siiyay maamulkaas, waxayna markaan muteysan karaan abaalmarinno kasii qiimo badan.

Cabdiweli Gaas ayaa xulka Puntland u rajeeyay in ay guul ka keenaan Tartanka oo ay sanadkii Labaad xiriir ugu guuleystaan.

Maamulka Koofur Galbeed, Shariif Xasan waxaa la sheegaa in uusan Sport-ga wax badan ka ogeyn, taasina ay Sanadkii hore keentay in xulkiisu uu ahaa midkii ugu liitay ee Tartanka ka qeyb gala.

Hirshabelle dhankooda waxay heystaan ciyaartoy aad ugu wanaagsan Ciyaaraha, madaxweynaha Maamulkaas ayaase waxaa isaga soo beegmay isagoo soo dhisaya Golaha Wasiirrada iyo in xulkiisu isu diyaarinayay tartankan, marka lama ogaan karo heerka uu Sport-gu ka gaarsiisanyahay Maxamed Cabdi Waare.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ah nin dhallinyaro ah ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay Sanadkan in xulka ay soo diyaariyeen uu noqon doono Horyaalka Maamul Goboleedyada dalka.

Thaabit Cabdi Maxamed ayaa kalsooni badan u muujiyay xiddigaha xulka Banaadir, wuxuuna sheegay in haddii ay tartanka ku guuleystaan Abaalmarinno la siin doono in kastoo aan la cayimin Abaalmarinnada iyo heerka ay gaarsiisanyihiin.

Tartanka Dowlad Goboleedyada dalka ayaa ka furmi doona Muqdisho maalinta Berri ah oo Jimco ah, 8-na ay ku beegantahay bisha December.

Warbixintaan waxay gaar u tahay Xogdoonnews haddii ay ku cajabisay xigo intii aad Xadi laheyd.