Madaxda Galmudug & Ahlu-sunna oo kala saxiixday heshiis 14 Qodob ka kooban

0

Madaxda Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna oo kulan ku qaatay magaalada Muqdisho ayaa kala saxiixday heshiis ka kooban 14 qodob, kaasoo noqonaya mid ka mid ah kuwii ugu dambeeyay ee xal looga gaarayo Khilaafka Siyaasadda ee ka dhexeeya labada maamul.

Heshiiska labada dhinac waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dalka, Ra’iisul Wasaaraha, Xubno ka tirsan Madaxda labada gole, madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo xubnaha heshiiska kala saxiixanayay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa ayaa u kala saxiixay labada Madaxweyne ee Galmudug iyo Ahlu-sunna Heshiiskaas.

Waxaa lagu heshiiyay in Shiikh Shaakir laga dhigo Ra’iisul Wasaaraha Galmudug isla markaana uu guddoomiyo Shirka soo socda ee golaha Wasiirrada ee maamulkaas ay yeelan doonaan.

Heshiiskaas oo si rasmi ah u faafaahsan naga filo