Madaxwayne Farmaajo oo ku sii jeeda Itoobiya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo 21-ka bisha June tahay ku sii jeeda Magaaladda Addis-ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu uga qeyb galayo shir aan caadi ahayn oo madaxda waddamada IGAD ay isugu imaanayaan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in casuumaaddii shirka ay soo gaartay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo ay maanta gaaraan Addis-ababa.

Shirkan IGAD oo ka baxsan shirarkoodii caadiga ahaa ayaa waxaa madaxda ururku ay uga hadli doonaan xaaladda amni ee Koonfurta Suudaan oo ay ka soo korortay xaalad amni xumo, kadib markii ay markale is faham la’aan soo dhex gashay dowladda South Sudan iyo kooxaha mucaaradka ku ah.

Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa qatar xoog leh u arka xaaladda hadda ka taagan Koonfurta Suudaan oo haddii la xalin waayo keeni karta dagaalo cusub oo dalkaas ka dhaca, si taas looga hortago ayaa shirkan waxaa la rajeynayaa in ay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah oo lagu heshiisiinayo mucaaradka iyo dowladda South Sudan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ah madaxda sida gaarka ah dadaalka ugu bixinaya in la baajiyo dagaal ka dhaca Koofurta Suudaan, maadaama Soomaali badan ay ganacsi ku leeyihiin dalkaas.