Madaxwayne Ku Xigeenka Jubaland oo Hoygiisa lagu weeraray

0

Baardhere” waxaa goordhow dad Careysan
ku weerareen Hoyga uu ka dagan yahay Magaaladda Madaxweyne kuxigeenka Jubbland Maxamuud Sayid Aadan ,

Shacab iyo Maleeshiyo ka careysan Magacaabidda Maanta uu Sameeyay Ee Maamulka Degmadda Baardhere ayaa doonayay in ay gudaha u galaan Hoygga Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland balse Waxaa Rasaas ku furay ilaaladda Madaxweyne kuxigeenka iyadda oo halkaasi uu ku dhaawacmay Mid kamidda shacabka

Xarunta Degmadda iyo Saldhiga Ciidamadda ayaa waxaa lawareegay Maleeshiyadda kasoo Horjeedda magacaabidda maamulka Baardhere sidoo kale waxaa ay ku hareereysan yihiin Hoygga Madaxweyne kuxigeenka jubbland ,