Madaxwayne Xaaf Meelna uma Fiyooba

0

Axmed Ducaale Geelle Xaaf madaxweynaha Galmudug ayaa haatan waxaa saaran cadaadis siyaasadeed oo dhinacyo kala duwan ah, Madaxweyne Xaaf oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa ka walaacsan xaalada siyaaseed ee Galmudug kadib markii maanta xilka qaadis lagu sameysay Cali Gacal Casir

Xilka qaadis Cali Gacal ayaa gadaal waxaa ka riixayay madaxda Ahlu Sunna ee ku biiray Galmudug kuwaas oo doonaya in booska Cali Gacal baneeyo ay keenaan xubin Katirsan

Xaaf ayaa ka cabsi qaba in garabka Cali Gacal dhankooda ay ku dhawaaqan in xilka qaadis ay ku sameeyaan taasi ayaana sii murjin karta xaalada

Culeyska kale ee jira ayaa ah in Ahlu Sunna hadii ay ku guuleystan meesha inay ka saaran Cali Gacal sidoo kale ay u sahlan tahay in meesha ay ka bixiyaan Madsxweyne Xaaf oo aan awood badan ku laheyn magaalada Dhuusamareeb

Ciidamada iyo awoodaha kale ee ka jira Dhuusamareeb ayaa gacan buuxda waxaa ku haya Ahlu Sunna taas ayaana keentay in Xaaf uusan yaalan saameyn badan

Xildhibaanada u gacan taagay kalsooni kala laabashada Gacal ayaa u badnaa kuwii ka socday Ahlu Sunna, Madaxda dowlada dhexe ayaan xiriir wanaagsan la laheyn madaxweyne Xaaf

Dadka indha indheeya siyaasada ayaa qaba in madaxda dowlada dhexe ay u furan tahay labo wado oo ay xilka uga qaadi karaan Xaaf maadama ay isku dhacsan yihiin

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaan wali ka hadlin xilka qaadis Gacal Casir

Cadaado ayaa waxaa ku sugan wafdi kulamo la qeybaha bulshada kuwaas oo wada didaalo lagu doonayo in lagu heshiisiiyo reer Cadaado iyo Xaaf oo waayahanba kala taksanaa

Lama oga halka ay ku dabeyn doonto mustaqbalka hogaamineed ee madaxweyne Xaaf iyo halka ay ku dambeyn doonaan qilaafyada Galmudug.