Madaxwayne Xaaf oo la kulmay Michael Keating.

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa manta kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.

Madaxweyne Axmed Ducaalle ayaa Keating kala hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Dagaalada kasoo cusboonaaday Bariga Gobolka mudug oo ay Alshabaab weeraro iyo dhibaatooyin ku hayaan dadka deegaanka waxa uuna Madaxweynuhu sheegay in Maamulkiisu u gurmaday Dadka Shacabka ah ee dhibaatada lagu hayo hadana ay diyaar u yihiin in ay Dagaal toos ah la galaan Kooxda Alshabaab oo dhibaato xoogan ku haya shacabka degga Deegaanada Bariga Gobolka Mudug si looga guuleystana ay u baahanyihiin caawimaad iyo in in loo Taakuleeyo ciidamadii xoreyn lahaa Deegaanada ay Alshabaab ka haystaan Maamulka Galmudug

Sidoo kale Labadan Masuul ayaa kala wada hadlay xalinta Khilaafya Yaryar ee ka jira Galmudug iyo in lagala shaqeyo horumarinta Maamulka Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in Maamulkiisu Diyaar u Yahay In uu xaliyo cid walba oo cabasha qabta islamarkaana ugu baaqay in cidii cabasha qabta timaado Caasimada Maamulka si loo xaliyo Cabashadaas