Madaxweynaha Hirshabelle oo diiddan Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab “Dhageyso”

0

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa kasoo horjeestay sida uu ku socdo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee DFS ay ka waddo Gobollada dalka.

Wuxuu sheegay in uu yahay qaabka Dagaalka loo wajahay mid aan sax aheyn, isla markaana sababi kara is fahmi waay ka dhex yimaada Ciidanka Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Inta uusan howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab billaaban ayuu sheegay in ay aheyd in wadatashi laga sameeyo, iyadoo hadda gobollada Shabeellooyinka uu ka billowday durba dagaalka Al-shabaab looga saarayo qeybaha ay ka joogaa Gobolladaas.

Si la isu waafajiyo heshiiskii Muqdisho ay ku wada gaareen Maamul Goboleedyada iyo DFS waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in dagaalka loo galo wadajir ee aan kooxiba meesha ay joogto aysan ka weerar tegin.

Halkan ka dhageyso