Madaxweynaha Hirshabelle oo xilkii ka qaaday Wasiirka Maaliyada

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Maaliyadda Hirshabeelle Cabdishakuur Maxamed Xasan isagoo si kumeel gaar ah xilka Wasiirka Wasaarada Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ugu Magacaabay Dr Maxamed Maxamuud Cabdulle.

Wasiirka Maaliyadda Hirshabelle ee la magacaabay Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa waxa uu hore u soo noqday Madaxweyne ku xigeen, waxana uu ahaa musharax madaxweyne ku xigeen xilligii doorashada dowlad goboleedka Hirshabelle.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka lagu magacaabay Wasiirka Maaliyadda Hirshabelle;