Madaxweynaha Kenya oo ku dhawaaqay Xilliga ay Ciidamadooda kala baxayaan Soomaaliya

0

Uhuru  Kenyata madaxweynaha dowladda kenya ayaa rasmiyan shaaca  ka qaaday in dalkiisu uu ciidamada  ka joogaa soomaliya kala bixi doono sanadka 2018-ka.

Hadalkani ayuu sheegay Uhuru Kenta intii lagu guda jiray kulan uu la qaatay Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka John Kerry oo bariga  afrika ka booqanaya kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyata ayaa sheegay in  madaxweynaha dalka mareykanka Brak Obama markii uu kenya yimid lagu dhaqaaqay in ciidamada xooga dalka kenya laga soo saari doono soomaliya.

Sida laga soo xigtay  Talefeshinka CCTV afrika  Uhuru ayaa si toos ah ugu sheegay  xoghayaha arrimaha dibadda mareykanka  Jonkery in ciidamada  loo qorsheeyay in soomaliya ay uga soo baxaan sanadka 2018-ka

Soomaliya hadda way  soo hagaageysaa  amaan ahaan kadib dagaalo sokeeye oo soomaray muddo  ka badan 20 sano kenyana way kala bixi doontaa ciidankeeda ka jga soomaliya sidaasi waxa laga soo xigtay madaxweynaha kenya Uruhu Kenyata.

Cidamada kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka  nabad ilaalinta midowga afrika ee soomlia, loo soo diray  si ay nabad uga dhaliyaan iyo sidoo kale la dagaalanka xarakada Islaamiyiinta ah ee Al-shabaab waxaana ciidamadii ugu horeysay ee ka socda xooga dalka kenya ay ciida soomaliya cagaha soo dhigeen  bishii October ee sanadkii 2011.

Waqti xaadirkani tirada guud ee ciidamada kenya ka  jooga soomaaliya ayaa lagu tilmaama in ay gaareyso 3,664 askari.

Dowladda federaalka soomaliya ayaan wax war ah weli ka soo saarin  go’aankani ay kenya dhawaaqday ee ah in ay ciidamadeeda kala baxeyso soomaliya sanadka 2018-ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here