Madaxweynaha Somaliland oo soo dhoweyn loogu Sameeyay Imaaraatka Carabta

0

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Soomaaliland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Abuu Dubai ee dalka Isku taga Imaaraatka Carabta.

Muuse Biixi iyo Wafdiga la socda oo isugu jira Wasiiro iyo Siyaasiiin ayaa shalay magaalada Hargeysa waxaa ka qaaday diyaarad qaas ah oo ay usoo dirtay Dowladda Imaaraatka, waxaana xalay garoonka wafdiga kusoo dhaweeyay Madax katirsan dowlada Imaaraatka.

Wafdiga Somaliland kasocda ee tagay magaalada Dubai ayaa la dejiyay qasri loogu tala galay in lagu soo dhaweeyo Madaxda caalamka.

Dhaxal sugaha Imaaraaka Carabta Maxamed Bin Zayed Al Nahyan oo isagu mariqaadka u fidiyay wafdiga Somaliland ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato Muuse Biixi kalana hadlo arimo badan oo muhiim ah.

Safarka Madaxweynaha Somaliland ku tagay Imaaraatka Caraba ayaa kusoo aadaya xili Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen xeer dalka looga saarayo Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka horeyna heshiis ula gashay Somaliland.