Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Arimaha doorashooyinka

0

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Soomaaliya  kusoo xiray Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Maxamuud ayaa warbaahinta u sheegay in shirka Madasha uusan aheyn midii ugu dambeeyay laakiin ay jiri doonaan kulamo dambe oo ay yeelan doonaan Madaxda Madasha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya ay ka go’antahay in ay doorashadu ku dhacdo waqtigii loogu talagalay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay kalsooni u muujiyaan dowladda Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in waxwalba ay ku dhici doonaan sidii loogu tala galay sidaas darteedna dowladda ay ku dadaali doonto in ay sugto amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay maamul goboleedyada iyo sidoo kale odayaasha dhaqanka in ay soo xulaan dad wax tar u leh bulshada Soomaaliyeed , islamarkaana wadaniyiin ah .

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aan la siyaasadeyn doonaan hanaanka doorashada Soomaaliya , islamarkaana guddiyada doorashooyinka ay yihiin guddiyo ka madax banaan siyaasada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here