Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galaya caleema saarka madaxweynaha Uganda

0

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gelinkii waxa ay gaareen magaalada Kambala ee xarunta dalka Uganda si uu uga qeyb galo maanta caleemo saarka Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni oo dhawaan shacabka dalkaasi markale ay u doorteen hogaanka dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha dalka Uganda waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka Uganda.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdiga la socday ayaa xalay  waxa ay ka qeyb galeen casho sharaf ka dhacday madaxtooyada Qaranka Uganda.

Waxaana dhinaca kulamo gaar gaar ah uu la yeelan doonaa madaxda dalkaasi iyo hoggamiyeyaasha kale ee ka soo qeybgali doona caleemo saarka Madaxweynaha dalka Uganda.

Dhowaan ayay aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeyb galay caleemo saarka madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here