Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta Booqanaya Xerada Qaxootiga Dhadhaab

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta la filayaa inuu Booqdo Xerada Qaxootiga Dhadhaab ee ay ku jiraan Kumanaanka kun ee Qaxootiga Soomaalida ah ee Kenya ay sheegtay in si qasab ah Soomaaliya loogu Celinayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la hadli doona Dadka Qaxootiga ah ee ku nool Xeryaha Qaxootiga Kenya,waxaana uu u sheegi doonaa in Dowladda Soomaaliya aysan Aqbali doonin in si qasab ah Qaxootiga lagu soo celiyo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Berri oo Talaado ah la kulmi doona Madaxda Dowladda Kenya oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta si uu ugala halo Go’aanka Kenya ee ah in Qasab lagu soo Celiyo Qaxootiga ku jira Xeryaha Dhabdhaab iyo Kaakuma.

Waa markii ugu horeysay oo Madaxweynaha Soomaaliya uu booqdo Xeryaha Qaxoptiga Kenya tan iyo Markii la doortay 2012.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here