Madaxweynaha Turkiga oo Soomaaliya darteed Reer galbeedka eedeeyay

0

Shir jaraa’id oo ay madaxweynayaasha Tirkiga iyo Soomaaliya si wadajir ah ugu wadaqaateen magaalada Ankara ayaa madaxweyanaha Turkiga wuxuu eedeeyen u diray dalalka reer galbeedka  oo uu sheega inaysan sameyn gurmadkii looga baahnaa  inay wax kaga qabtaan xaaladda abaaraha Soomaaliya .

 

Wuxuu sheegay in Turkiga uu sii laba jiraabayo taageeradauu siinayo oomaaliya iyo ka qeyb qadashadaiyo sii wadista hwlaha gurmadka Soomaaliya iyo sidii loo samato bixin lahaa dadka ku macluulsan Soomaaliya.

 

“Ugu yaraan 14 million o oqof oo badankooda ah Haween iyo Carruur ayaa ku macluulsan Afrika. Dalal badan oo Reer Galbeedka horumaray waxay diidan yihiin inay wajahn xaalladdaasi Aadminimo” ayuu yiri Erdogan.

 

Waxa uu intaasi ku daray  inay Dowladaha Reer Galbeedka diideen inay ka qeyb galaan sidii wax loogu qaban lahaa 14-ka million ee qof ee ay Macluusha ku hayso Qaaradda Afrika.

 

“Inta ay dalalkaasi indhaha ka laabanayaan dad ku nool gaajada iyo saboolnimdda, waxan sii wadi doonaa inaan iyaga is-garab taagno. Kama hadli kartid Arrimha Nabadda iyo Degananshaha ee Adduunka,iyadoo carruurta u dhimanayaan gaajo” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga.

 

Turkiga ayaa Saaxiib dhow la ah Soomaaliya , waxaana lagu xasuustaa kaalintii weyneyd e uu 2011 ka qaatay gurmadka aaaraha dalka xilligaas oo ay abaar xoogan ka jirtay Soomaaliya , waxaana sidoo kale abaartan ka jirta xilligaan Soomaaliya uu ku leeyahay howlaha gurmadka kaalin kale oo muhiim ah

Xogdoonnews:

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here