Madaxweyne Farmaajo: Madaxweyne Sharafeed !!

0

Madaxweyne Farmaajo:

Madaxweyne Sharafeed !!

Shacabka la yaab amakaak bay ku noqotey Mooshinkii laga keeney Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari hase  yeeshee Maalmhii  hore Bulshada waa ay ku wareersanaayeen Cidda Dabada ka riixeysa Mooshinka hase yeeshee waxaa la ogaadey in Raiisul Wasaare Khayro uu yahay Gacanta Daahsoon ee Maamuleysa Mooshinka sida Xitaa uu cadeeyey Mudane Jawaari.

.

Subaxnimadii uu Madaxweyne Farmaajo uu Raiisul Wasaare u magacaabey Xasan Cali Khayre ayaa Farmaajo ayaa Shacabka u sheegey in Raiisul Wasaaraha uu yahay Shaqsi ku shaqeynaya  Awaamiirta Madaxweyne Farmaajo , marka laba mid bay noqneysaa in falalka uu Maalmhaan wadey Raisul Wasaare Khayre uu yahay mid uu ka warqabo Madaxweynaha maadaama uu horey u sheegey in Khayre uu ku shaqeynaya amaradisa iyo Fikirkiisa ama waxay noqoneysaa in Khayre uu hareer marey ama jabiyey waxay isku  ogaayeen Madaxweynaha Soomaalidu waxay tiraahdaa “Siyaasadu Saaxiib Joogta ah ma laha” Waxay ku gaarsiineysaa in aad  Saaxiib,  Waalid, Qaraabo IYO Walaal aad  Siyaasada ku Colowdaan ama ku kala tagtaan.

Waxaa Maqali jirey Dowlada Itoobiya Madaxweynaheeda waa Madaxweyne Sharafeed waana uu ku eg yahay in u Munaasabadaha ka qayb galo islamarkaana uu  Ubax uu dhigo Taalooyinka Wadankaas marka sow ma moodid in Madaxweyne Farmaajo uu isku Badeley Madaxweyne Sharafeed oo awoodii dalka uu la wareegey Raiisul Wasaare Khayre maadaama falal badan oo ka yimid Dhinaca  Raiisul Wasaaraha Uusan Ka Hadlin.

.

Awoodaha Xad dhaafka ah ee iyo ku takri falka Raiisul  Wasaare Khayre waxay keentey in Madaxweynah ay Shacabakiisa jecel yihiin uusan wax talaabo qaadin  hase yeeshee Shacabka  afka ayey Gacanta saareen markii ay maqaleen in Mooshin laga keeney Gudoomiyaha  Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari waxayna ka muujiyeen Dareen Xoog leh  hase yeeshee Shacabka waxay u Dheg raaricinayeen  in Madaxweynaha uu Durbadiisa soo  kala dhex galo maadaama uu horey u sheegey in Khayre uu yahay Shaqsi Gacantiisa ku jira.

Xildhibaanad Sacdiya Yaasiin Xaaji Samater oo ka mid Xildhibaanada Difaacaya Gudoomiye Jawaari ayaa iyadoo aad uga Xun waxa ka dhex Aloosan Baarlamank iyo Xukuumada  ayaa tiri “Madaxweyne anagaa ku soo dooraney , waxaan kaa soo dhex dooraney In ka badan 20 Musharax marka maanta kaama fileyn in aad ka aamusto  Xaalada murugsan ee  Baarlamaanka sidaa Darteed Baarlamanka ma qaadan karo Bulshada Soomaaliyeed ma qaadan karto Mooshin ay soo abaabushey Xukuumada Khayre”

 Aaamusnaanta  Madaxweyne Farmaajo ayaa dadka qaar waxay qabaan in uu raali ka yahay Xiisada Siyaasaded Baarlamaanka waxayna sheegeen in wax waliba ay kala cadaan doonaan Waa Hadii ay dhacdo in Mudane Jawaari Xilka laga qaado waxa Madaxweynaha laga doonyaa in uu  aqabalo Xil ka qaadistaas maadaama uu yahay Madaxweynaha Dalka , hadii uu fashilmo Xil qaadistaas waxaa iyana  Madaxweynaha laga sugayaan in uu ka hadlo Mowqifkiisa Fashilka.

.

Isku soo duubo Qormadaan aan ugu magacdarey Madaxweynaha   Farmaajo ma Madaweyne Sharafeed baa marka aan sidaa aan leeyahay awoodaha Raiisul Wasaaraha ayaa moodaa in ay Qarisey Doorkii Siyaasadeed ee Madaxeyanaha Farmaajo maadaama sida uu u Magacaabey Khayre uu dalka ka bixi waayey caqabo Siyaasadeed  waxayna shacabka maanta ay Taagan yihiin Quus waxaana Rajada shacabka soo celin  kara habka uu Madaxweynaha u wajaho Xaaladda Siyaasadeed ee uu dalka marayo Hadii kale Madaxweyne Farmaajo Shacbaka waxay kuu aqoonsan doonaan in aad  Dalka ka tahay Madaxweye Sharafeed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail:amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 00252615532494