canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Madaxweyne Farmaajo oo Bilaabay Bixinta Mushaarka Ciidanka DF Soomaaliya | XOG-DOON NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Bilaabay Bixinta Mushaarka Ciidanka DF Soomaaliya

Hogaamiyaha Xilka La Wareegay maalintii Shalay Ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu durba bilaabay bixinta Mushaarka Ciidanka.

Waxa la sheegay in uu Qeybtii ugu horeysay Lacagta Mushaarka siiyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Ee Amaanka sugaya islamarkaana ay aad ugu farxeen.

Lacag udhaxeysa 150 ilaa 200 Dollar ayaa Askarigiiba la siiyey sida laga soo xigtay Qaar ka mid ah  Xog heynada Madaxweyne Farmaajo.

12 Saac ka yar ayuu Xilka la wareegistiisa hayey kadibna waxa uu bixiyey Mushaarka ciidanka qaarkood,waxaana la filayaa sidaa si la mid ah in Ciidanka Meliteriga,Kuwa Asluubta iyo Nabad Sugida Mushaarkooda Helaan.

Dadka Soomaaliyeed ayaa ka dhursugaya sidii loo heli lahaa Dawlad Dhameystiran oo Shacabka iyo Dalka Wax uqabata hormarna dalka uhorseeda.

Halkaan kala soco Wararka

.