Madaxweyne Farmaajo oo Caawa ku wajahan Gaalkacyo

0

Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isaga iyo Wafdigiisu waxay Galabnimada maanta ah ka kicitimi doonaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxay Safar dhulka ah ku mareen deegaannada u dhexeeya Boosaaso ilaa Garoowe, waxayna la kulmeen dadka degmooyinka iyo deegaannada Bari iyo Nugaal.

Safarkiisa wuxuu ka billaabay Garoowe, wuxuuna sii maray Qardho, Carmo isagoo Boosaaso kula kulmay qeybaha Bulashada, intii xalay ay ku sugnaayeen Halkaas.

Wafdiga ayaa Caawa qorshuhu yahay in ay ku hoydaan Gaalkacyo, halkaas oo ay kulamo kula qaadan doonaan dadka deegaanka.

Sidoo kale wafdiga ayaa usii Gudbi doona, Cadaado, Caabudwaaq iyo Dhuusamareeb, iyadoo dadka degmooyinkaas ay isu diyaarinayaan soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo.