Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray deegaanka Carmo

0

Waxaa deegaanka Carmo ee Gobolka Bari dhowaan gaaray madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ay ku jiraan, Wasiirro iyo Xildhibaanno.

Farmaajo iyo Wafdigiisa ayey dadka deegaanka Carmo ee Gobolka Bari soo dhoweyn aad u ballaaran ugu sameeyeen Deegaankaas, iyadoo maamulka iyo Shacabkuba ay u guntadeen sidii Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ay ugu marti qaadi lahaayeen si heer sare ah.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, Wasiirro, Xildhibaanno iyo koox Wariyeyaal ah ayaa ka mid ahaa dadka gaaray Qardho oo ay xalay ku hoydeen, waxayna saakay halkaas uga sii Amababaxeen Carmo.

Wafdiga ayaa sidoo kale la filayaa in ay gaaraan degmada Boosaaso ee xarunta u ah Gobolka Bari.

Farmaajo ayaa Safar Nabadeed oo dhanka dhulka ah ku maraya deegaannada Puntland oo ka mid ah Gobollada ugu xasilan dalka.