Madaxweyne Farmaajo oo tegay Gaalkacyo qeybta Galmudug

0

Madaxweynaha dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cadbullaahi Farmaajo ayuu usoo idlaaday safarkii uu ku marayay Puntland, wuxuuna hadda guda galay Safarkiisa qeybta Galmudug.

Isaga iyo Wafdigiisa ayaa gaaray maanta Gaalkacyo qeybta maamulka Galmudug, wuxuuna halkaas waqtigaan kula hadlayaa dadka degamada qeybta maamulka Galmudug.

Xalay wuxuu ku hoyday qeybta maamulka Puntland, wuxuuna kalsooni badan ka muujiyay in Gobolka Mudug uu noqon doono Goob Xasilan oo ay labada maamul ka dooneyso dowladdu in ay la yimaadaan Aragti xasillooni abuuri karta.

Gobolka Mudug wuxuu ka mid yahay dhowr gobol oo madaxweynaha dalka uu ku tegayay Safar Nabadeed, wuxuuna isla toddobaadkan doonayaa in uu tago Gobolka Galgaduud.