Madaxweyne Gaas “Soomaaliya waxay joogtaa xiligii ay isku tashan lahayd oo aanan loo talin”

0

Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in la joogo waqtii ay Soomaaliya ka gudbi lahayd in dibadda looga taliyo,isagoo marka khudbad ka jeedinayay munaasabad lugu xusayay aas aaskii Puntland oo lugu qabtay aqalka madaxtooyadda Garoowe.

Madaxweynaha waxuu ka hadlay isbadalka la doonayo inuu ka dhaqan-galo dalka,isagoo marka sheegay inay lama huraan-tahay gaarista isku filnaasho Soomaalida dhex deeda ah.

“Way nugu filan-tahay muddo labataan iyo shan sanno ah dowlad la’aan,”ayuu yiri madaxweyne Gaas. “Muddada waxaan u dhaqanay sidii doqomadii haddase waxaa nalaga doonaya isku filnaasho,ma aha dibadda in nalooga taliyo”.

Waxaa kalo uu soo hadal qaaday dowladda uu hoggaamiyo guulaha ay gaartay,marka waxuu sheegay waxbadan inay u qabsoomen muddada saddex sanno ah ee u hor-kacayay Puntland.

Cabdiweli wuxuu sheegay waqti badan inay uga baxdey nooleynta dhaqaalaha oo hadda maraya meel kore,waxuuna ku celiyay dowladda inay mar walba muhiimad gaar ah siineyso kordhinta ilaha dhaqaalaha si kor loogu qaado daqliga Puntland.

Madaxweynaha waxuu muujiyay ammaanka Puntland oo u ku sheegay mid wanagsan oo qof walba u suura-galinaya si cabsi la’aan ah inuu ku gaaro dhulka kala fog fog ee Puntland,waxuuna marka si gaar ah hambalyo ugu diray ciidamada ammaanka Puntland.

Aas aasayaashii Puntland ayuu uga mahad-naqay dhismaha Puntland,isagoo naxaris rabbi u waydiiyay dhamman dadkii lahaa firkadda lugu dhisay dowladda Puntland kuwaado geeryoodey.

Waxuu madaxweyne Gaas hambalyo u diray shacab weynaha Puntland ee u dabaal-dagaya siddeed iyo toban guuradii ka soo wareegatay dhimaha dowlad-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo dhidibada loo taagay sanadkii 1998.

Munaasabadda lugu qabtay madaxtooyadda,waxaa kalo hadallo ka jeediyay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan,isimmo,wax-garad iyo xubno kale oo bulshada qaybaheeda matalayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here