Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto ayaa safar booqasho ku maraya dalalka galbeedka Afrika asagoo u ololeynaya sidii Aamina Maxamed, wasiirada arimaha dibada ee Kenya looga dhigi lahaa guddoomiyaha ururka midowga Afrika (AU).
Waa wasiirada arimaha dibada ee Kenya Aamina Maxamed oo ah Soomaali Kenyan. Hadii lagu guuleysto ayaa Aamina Maxamed ay baddali doontaa Nkosazana Dlamini Zuma oo xilkaa u heysay AU laga soo bilaabo bishii 7aad ee sanadkii 2012.
William Ruto ayaa socdaal ku maraya ugu yaraan 7 dal oo galbeedka Afrika ka tirsan.
Hadii la doorto ayaa Aamina Maxamed waxay u shaqeyn doontaa qaarada Afrika oo dhan.
Dawlada Soomaaliya ayaa sida dawlado kale oo Afrikaan ahba waxay durba muujisay inay ku taageeri doonto codkeeda si xilkaa Aamina ay u hesho.
Aamina ayaa lagu tilmaamaa qof shaqo badan shaqada ay qabaneysana si wanaagsan inay uga soo baxdo isku dayda.
William Ruto ayaa haatan ku sugan dalka Chad intaa kadibna wuxuu aadi doonaa Mali, Ghana iyo Ivory Coast.
Kasokow galbeedka Afrika madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto wuxuu ololihiisa uu ugu durbaan tumayo Aamina ku baahin doonaa una socdaali doonaa Eritrea, DR Congo iyo Masar.