Madaxweyne Ku xigeenka Puntland oo safar deg deg ah Muqdisho ku imaanaya

0

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar Cameey, ayaa la sheegaya unuu safar deg deg ah uu kusoo aadayo Magaalada Muqdisho .

Safarka deg deg ah ee C/xakiim Xaaji ayaa la sheegayaa inuu yahay mid la xariira Arrimaha Abaaraha iyo talaabooyin kale oo ka dhaxeeya Maamulka Puntland iyo   dawladda Soomaaliya.

Warar hoose ayaa sheegaya in gargaar xoog leh oo ku saabsan Abaaraha lagu qeybin doono wada hadal la filayo inuu Muqdisho ka furmo .

Dowladda Soomaaliya ayaa wado gurmadyo kala duwan oo ay gaarsiinayso dadka ay abaaruhu saameynta xoogan ku yeesheen ee ku kala nool  maamulada kala duwan ee dalka iyo duleedyada Muqdisho.

Xogdoonnews:

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here