Madaxweyne Waare oo Furay Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle

0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo ku laabtay magaalada Jowhar ayaa wuxuu maanta halkaas ka daah furay Kalfadhiga 3aad ee Mudaneyaasha Baarlamaanka Maamulkaas.

Maxamed Cabdi Waare ayaa ka laabtay Muqdisho oo uu howlo u joogay sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna maanta daaha ka rogay in Golaha Shacabka ee maamulkiisu ay si caadi ah u billaaban doonaan kulamadooda kalfadhiga 3aad.

Madaxweynaha, Ku xigeenkiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaannada ayaa ka qeyb galay Furitaanka Kalfadhiga 3aad ee Mudaneyaasha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Xubnaha kulanka ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Waxgaradka Degmada Jowhar, waxaana guul ay ku tilmaameen in ay kasoo qeyb galaan kulanka Furitaanka kalfadhiga 3aad iyagoo qaarkoodna ay dhaliilo soo jeediyeen qaarna ay Ammaan u hugiyeen baarlamaanka iyo howsha ay wadaan.