Madaxweyne Waare oo Jowhar ku qaabilay Wafdi ka socday Qaramada Midoobay

0

Kulanka Madaxweyne Waare iyo Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa ku qotomay xaaladaha bini’aadaninimo ee ka taagan deegaanada maamulka Hirshabeelle hoose yimaada iyo sidii Qaramada Midoobay ay gacan kaga geysan lahayd wax ka qabashadooda.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, Wasiir ku Xigeenka Amniga, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ammaanka, iyo La Taliyeyaal sare.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa kulanka ka sheegay inay lagama maarmaan tahay taakuleynta dadka ay saameynta ay ku yeelatay Biyo la’aanta iyo Cunno yarida a jirta qaar ka mid ah deegaanada maamulka Hirshabeelle.

Waxaana uu ka dalbaday in ay gacan ka geystaan ka jawaab celinta Abaarta ka jirta deegaannada Hirshabelle islamarkaana ay caawiyaan dadka ay saameysay Abaarta oo ayugu darantahay Biyo la’aanta.