Madaxweyne Waare oo lagu Eedeeyay in uu Shaqadiisa ka gaabiyay

0

Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa ku eedeeyay madaxweynaha maamulkaas in uu aad uga gaabiyay howshii loogu dhiibay darajada ugu sarreysa.

Mudaneyaasha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ku kala qeybsamay Aragtida Safar uu madaxweynaha Maamulkaas ku joogo Muqdisho, qaarkood waxay sheegayaan in madaxweynuhu uu howl maamulka dan u ah ugu maqanyahay Muqdisho kuwo kalena waxay qabaan in uu howshiisii gabay.

Maxamed Cabdi Waare ayaa soo dhisay Golihiisa Wasiirrada, waxaana mudaneyaasha Baarlamaanku ay Ansixiyeen Wasiirrada, in kastoo ay markii hore dhaliil ka muujinayeen hannaanka uu kusoo xulay Wasiirrada.

Xidhibaannada ayaa eedeyntaan oo kale horay ugu soo jeediyay in uu ka gaabiyay howshiisa madaxweynihii hore ee maamulkaas Cali Cabdullaahi Cosoble, waxaana ugu dambeyn ay sababtay in xilkalaga tuuro isagoo aan watqigiisa dhammeysan.