Madaxweyne Xaaf oo la Kulmay Guddigga iskudhafka Baarlamaanka & Dastuurka Galmudug

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta wuxuu kulamo la qaatay xubnaha isku dhafka Baarlamaanka iyo Dastuurka Galmudug.

Guddigaha isku dhafka Dastuurka maamulka Galmudug iyo midka isku dhafka Baarlamaanka Galmudug ayaa labaduba waxay yihiin kuwo loo dhisay in ay ka shaqeeyaan sida Ahlu-sunna iyo Galmudug ay isugu dhafi lahaayeen, keddib isku biiriddii labada dhinac.

Qodobada dastuurka ee ku saabsan Maaliyada iyo Xuquuqda Aadanaha ayaa si weyn looga fiirsan doonaa iyadoo madaxweynuhu uu labadaas dhinac sheegay in la doonayo in sida ugu dhaqsaha badan loo eego.