August- 2012; waxa aan ahaa Ardayad dhigata fasalka koowaad ee dugsiga sare, ardayda wargalka ah ee aan isku fasalka nahay iyo kuwa fasalada kale ee Iskuulkeyga sare dhigta ayaan ka maqli jiray magaca Xasan Sheekh Maxamuud iyo in uu kamid yahay musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya 2012, barayaasha ayaa sidaas oo kale hadal-hayey magaca Xasan Sheekh Maxamuud, qaarkoodna aad ayayba u xiiseynayeen in uu kamid yahay Musharxiinta madaxweynaha, waxa aan u fahamsanaa in uu yahay nin ay yaqaanaan ayna jecel yihiin in uu noqdo madaxweynaha dalka, fadhi-kudirirka haweenka iyo xitaa gurigeena ayaa magaciisu soo galay, maalin ayaan aabahey weydiiyey qofka uu yahay magaca aan maalin walba maqlo ee Xasan Sheekh Maxamuud? Aabe xaggee ka maqashay ayuu igu yiri? Iskuulka iyo guriga labadaba waa ka maqlaya magacaas ayaan ku iri!
Haa Aabbe waa macalin caan ah oo beledkaan Xamar ah si wanaagsan looga yaqaan, bulshadu ixtiraamto kana mid ah samajecelka horseeday in aad hesho waxbarasho iyo mustaqbal wanaagsan!,
Maadaama aan heelay macluumaad kusaabsan magaca iyo qofka uu yahay Xasan Sheekh waxa aan kamid noqday ardayda iyo dadka xiiseynaya in uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya, sidaas awgeed waxa aan la socday barnaamijyadiisa Ololaha ee ka baxaya Warbaahinta Muqdisho, kaddibna markii uugu horreysay ayaan arkay sawirkiisa oo lagu dhejiyey boorarka ololihiisa doorashada, magacii iyo muuqiiba waa isla helay balse weli ma arag Xasan Sheekh Maxamuud oo socda.
Maalin ayaan adeerkeey u raacay Xaafad ku taal Wadajir, markii aan tarabuunka soo dhaafnay oo aan nimid isgoyska KM4 ayaan arkay boorarkii ololaha Xasan Sheekh Maxamuud oo badan, gaarigi ayaan ka degnay, Olole nadaafadeed ayaa ka socda isgoyska, adeer ayaa inta gacanta I qabtay waxa uu iila dhaqaaqay dhinicii ololaha nadaafaddu ka socotay, dad Meesha ku xoonsan ayaan kamid noqonay, waaba Xasan Sheekhii aan Sawirkiisa aqaanay oo hadlaya, Warbaahinta ayuu la hadlayaa, illaa uu warkii dhammeeyey ayaan taagnayn.
Aniga waxa igu jirta maanta war ayaad heshay oo aad gurigii iyo iskuulkiiba geyn kartaa, Wadajir ayaan tagnay, kaddibna galabkii dambe ayaan ku soo noqday gurigeenii, habeenkaas ayaan dadkii guriga joogey uga warramay waxa aan soo arkay, Aabe ayaan si fiican ugu sharraxay ololihii Nadaafadda iyo in aan soo arkay Xasan Sheekh Maxamuud laftiisa.
Doorashada madaxweynaha ayaa la muddeeyey, maaddaama uusan girigeenu lahayn Telefeshin waxa aan aniga iyo aababa aadnay cid aan deris iyo qaraabo nahay oo lahayd telefeshin, 10-September ayaa Xasan Sheekh Maxamuud noqday madaxweynaha 8aad ee Jamhuuriyadda, waxaase aad iiga sii yaabiyey in markii koowaad aan arkay aniga oo wax garta madaxweyne Soomaaliyeed oo si nabad ah madaxweyne la doortay oo beddelaya awoodda ugu wareejinaya, kaddiba xaafaddii mashxarad iyo dabbaaldeg ayay noqotay.
Laba sano kaddib gabadha iga weyn oo Jaamacadda dhammeysay ayaa kamid noqotay shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, marka laga tago Aabe oo dukaan ku lahaa suuqa Bakaaraha waxa ay noqotay qofka 2aad ee reerkeena ka shaqeeya islamarkaana kaalin fiican ka qaadatay horumarinta nololsha qoyska.
Maaddaama aan ku taxanahay Warbaahinta dowladda iyo midda madaxa-bannaan labadaba waxa aan helay macluumaad badan oo la xariira shaqada maalinlaha ah ee dowladda, waxa aan xusuustaa arrimihii muhiimka ahaa ee xukunka madaxweyne Xasan Sheekh horseeday sida Hirgelinta Shaqaalaha rayidka ah, Jaamacadda Ummadda, Aada Iskuulada, dib u habaynta dhaqaalaha, hagaajinta nidaamka maaliyadda iyo maareynta nabadgelyada si gaar ah caasimadda iyo shabeelooyinka.
Dhammaadkii 2016 ayaan dhammeeyey dugsiga sare, waxa ayna ku soo beegantay doorashadii iyo ololihii 2016, rejo aad u weyn ayaan qabay in Xasan Sheekh sii xukumi doono dalka maadaama aan u arko in uu yahay madaxweyne dulqaad badan, deggan oo fahmaya heerka uu dalku marayo, Meesha uu u socdo iyo sida Waddanku halkaas ku gaari karo, Qaddarka Alle ma dhicin oo doorashadii waxaa ka soo baxay Natiijo kale.
Wixii dhacay 5taas sano ee uu ka maqnaa talada dalka waaba la’ ogaa wixii ka dhacay dalka! inkasta oo ay ahaayeen dhibaato ay sabab u ahayd hoggaan xumadii iyo tala-wareerkii billowday 2017 haddana aniga waxa ay ii ahayd waxbarasho dadban oo ku saabsan dowladda iyo hoggaanka (Indirect education), marka aan isu miisaamay 2012-2021 na waxa ii soo baxday in ku qanacsanaanta dadweynaha ee hoggaanka madaxweyne Xasan Sheekh uu ahaa mid sax ah taageeradii aan u hayayna ay ahayd mid sax ah taasina waxa ay run noqotay markii aan arkay wax ka duwan intii u dhexeysay 2017-2021.
9-daas sano oo aan kujiray dugsiga sare iyo Jaamacadda wax aanan ka baran ayaan ku bartay 2017-2021, waxa aan si la taaban karo u fahmay hoggaamiyaha ku habboon hoggaanka Waddanka, taasina waxa ay ii sii iftiimisay in Madaxweyne Xasan Sheekh yahay Aqoon iyo Ammaano Wada-jira!