Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan magaalada Abu Dubai

0

 

Madaxweynaha Janhuuriyada Federaalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud  oo booqasho ku tagay magaalada Dubai ee dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta ayaa la kulmay dhaxal sugaha dalkaas  Sheekh Maxamed Bin Zayid Ala-Nahyan.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dal iyo mashaariicda dowlada  Imaaraadka Carabta ka fuliso Somaliya.

Wakaalada Wararka ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in kulanka labada dhinac looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada, aminga iyo taageerada Imaaraadka Carabta uu siinayo Somaliya.

Imaaraadka Carabta ayaa balan qaaday inay sii kordhinayaan taageerada ay siiyaan Dowladda Federalka Somaliya, si Somaliya ay u gaarto Himilooyinka ay tiigsanayso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here