Magaalladda Cawaamiya ee dalka Sacuudiga oo barakac uu ka bilowday

0

Magaalladda bariga dalka Sucuudiga ku taalla ee Cawaamiya, ayaa lasoo sheegayaa in boqolaal qof ay ka qaxayaan, kadib markii magaalladda ay ka bilowdeen isku dhacyo dhexmaraya booliiska iyo shacab halkaasi degan.

Ciidamada ammaanka Sucuudiga ayaa isku dayayay illaa bishii May in dad shacab ah ay ka raraan xaafada qadiimka ah ee magaalladda Cawaamiya, halkaasi oo ay dowladda sheegtey in ay kooxo hubeysan oo shiico ah ka dhigteen gabbaad.

Ugu yaraan 7 qof oo uu ku jiro qof ka tirsan booliiska ayaa ku dhintey rabshadaha illaa iyo hadda ka socda magaalladda, sida ay tabisey wakaallada wararka Reuters.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa sheegey in ciidamada dowladda Sucuudiga ay si aan loo kala aabo yeelin u ridayeen rasaasta, waxayna intaasi ku dareen in hanti badan ay ku burburtey halkaas.

Qaarkood oo wali ku xayiran magaaladan ayaa dowladda ka codsaday in ay ka caawiso sidii ay uga qixi lahaayeen meesha.

Dowladda ayaa qoysas badan dajisey magaalo kale oo tan u dhow, halkaasi oo dadka la siiyey hoy iyo cunto.

Dowladda Sacuudiga ayaa lagu wadaa in ay dhawaan ka hadasho khasaaraha ka dhashay isku dhacyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalladda.