Magacyada iyo beelaha shaqsiyaadkii ugu horeeyey ee uu Farmaajo u magcaabay xilalka

by admin | Thursday, Feb 16, 2017

Waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay xilalkii ugu horeeyey oo uu magacaabay madaxweyneh cusub ee Soomaaliya kuwaas oo kala ah :

madaxweynaha Soomaaliya oo maanta la wareegay taliska madaxtooyada ayaa sidii la filaayey bilaabay inuu magacaabo xilal cusub.

Madaxweynaha ayaa magacaabay agaasimaha Guud ee madaxtooyada, ku xigeenkiisa iyo Agaasimaha Hab Maamuuska Madaxtooyada

1) Agaasimaha Guud ee madaxtooyada ayaa loo magacaabay Dr. Cali saciid Fiqi   oo hore u ahaa Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg iyo Ururka Midowga Yurub, waxayna xaruntiisu ahayd magaalada Brussels, ninkaan ayaa kasoo jeedo Digil, gaar ahaan Tunni.

2) Dr. Cabdirisaaq Shoole  ayaa loo magacaabay agaasime ku xigeynka madaxtooyada, wuxuuna kasoo jeedaa, Daarood, Leelkase.

3)  Siyaad Maxamuud Shire ayaa loo magacaabay Agaasimaha Hab Maamuuska Madaxtooyada ama Madaxa Protocol-ka Madaxweynaha, wuxuuna kasoo jeedaa Dhul bahante

Like it? Share it!

Leave A Response