Mamadou Sakho Oo Kusoo Laabtay Tababarka Liverpool, Laakiin Klopp Ayaa Xidiga La Damacsan Qorshe Cusub.

0

Mamadou Sakho ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa , kadib markii uu kasoo kabtay dhaawac uu ciyaaryahanka qabay ,waxaana kooxda Liverpool la ogyahay inay keensatay Kalvan oo isagana ka ciyaara daafaca dhexe.

Dhibaato kadib waxaa uu xidigaan rajeeynkaraa inuu u safto kooxdiisa Liverpool laakiin Daily Mail ayaa soo warineysa in kooxda Liverpool ay damacsantahay in xidiga ay amaah ku fasaxdo maadaama ay la dheceen qaab ciyaareedka Kalvan.

Sidoo kale waxaaa kooxda jooga Joel Matip iyo Lovern taasi oo aan macquul ahayn in xidigaan uu boos joogta ah ka helo kooxdiisa.

Tan iyo markii loo ogolaaday xidigaan inuu u ciyaaro kooxdiisa Liverpool ma ciyaarin xitaa hal kulan , waxaana uu ciyaaryahanka dareemayaa in laga maarmay.

Ma jirto koox wali soo dalbatay ciyaaryahankaan laakiin haddii la ogaado in kooxdiisa ay iibineyso waxaa laga yaabaa inuu helo dalabyo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here