Mareykanka oo Caawa duqeyn ka Fuliyay Gobolka Jubbada Hoose

0

Diyaaradaha aan cidina kaxeyn ee dalka Mareykanka ayaa caawa waxay duqeyn ka fuliyeen deegaan ka tirsan kuwa Magaalada Kismaayo laga maamulo.

Saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Beer-xaani ee Gobolka Jubbada hoose oo ka mid ah Deegaannada magaalada Kismaayo laga maamulo ayaa la sheegayaa in uu Khasaare xooggan ka dhashay.

Idaacad ku hadasha Afka Ciidamada qalabka sida oo soo xiganeysa Taliyaha qeybta 43aad ee Ciidanka xoogga dalka Ismaaciil Saxardiid ayaa waxay sheegtay in duqeyntaas lagu Burburiyay Saldhig weyn oo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Beerxaani.

Janaraal Saxardiid ayaa sheegay in Saldhigga la duqeeyay ay isla waqtigaas ku shirayeen saraakiil sarsare oo ka tirsan Al-shabaab.

Faafaahin naga filo