Mareykanka oo duqeyn ku dilay Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab & Gaari dagaal oo la gubay

0

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in ay duqayn cirka ah la beegsadeen maleeshiyada al-Shabab, meel u dhow magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Duqayntan ayay Maraykanku sheegen inay ku dileen Saddex maleeshiyo ah isla markaana ay ku burburiyeen baabuur tikniko ah.

Qoraal kasoo baxay Taliska ayaa waxaa lagu yiri ‘’Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay weerar ku qaadeen Argagixisada Al-Shabaab meel u dhow degmada Jilib, galabnimadii Khamiistii, waxaan ku dilnay Saddex Argagixiso ah, weerarkan rayid laguma waxyeeleyn.”

Taliska Mareykanka ee Africa ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in weerarkan ay ku burburiyeen gaari nuuca dagaalka ah oo ku xirnaa Qoryaha culus, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ay wadaan baaritaanada la xiriira magacyada ragga lagu dilay weerarkan.

Sidoo kale, Maraykanku waxay sheegen inaysan wax rayid ah wax kasoo gaadhin weerarkan, balse ay la beegsadeen al-Shabaab oo kaliya.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili ay dowlada Mareykanka dagaal kula jirto  maleeshiyaadka al-Shabaab, waxayna inta badan uu geystaa weeraro u badan dhinaca cirka ah oo ay fuliyaan diyaraadaha aan duuliyaha lahayn.