Mareykanka oo Galabta Duqeyn ka geystay Jubbada Hoose

0

Diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ayaa markale maanta duqeyn ka fuliyay Koofurta Soomaaliya.

War Qoraal ah oo ka soo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee (AFRICOM)  ayaa waxa ay ku sheegeen in duqeyntaas laga fuliyay tuulo u dhow deegaanka Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale Warkaan ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas uu ku geeriyooday hal dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab kuna sugnaa Goobtii la duqeeyay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay arkayeen Diyaaradaha dagaalka oo joog hoose ku duulaya kuwaas oo markii dambe, sare u kacay Duqeyn xoogganna ka geystay deegaanka.

Si aad ah waxaa u Siyaaday tan iyo Toddobaadkii hore duqeynta ay ciidamada Cirka ee dalka Mareykanka ka geysanayaan koofurta Soomaaliya, iyadoo ay sidoo kale xusid mudantahay in ay deegaannada Puntland Usbuucii hore duqeyn lala Beegsaday Fariisin ay Daacish ku laheyd gobolka Bari.