Dowladda Mareykanka oo qiimeyneysa Xaaladda dhiggeeda Itoobiya ayaa markale muwaadiniinta ka joogta Dalkaas ugu baaqday in si degdeg ah isaga baxaan sabab la xiriirta colaadda ka taagan.
Mareykanka ayaa sheegay in uu qorsheynayo tallaabo uu ku daadgureynayo Muwaadiniintiisa si aanay waxyeello uga soo gaarin Dagaalka sanad jirsaday ee ka socda Dowladda Federaalka Itoobiya.
Washington oo cashir ka qaadatay waxa ku qabsaday Afghanistan Bishii August 2021 ayaa dejisay qorshaha ay ku qaadeyso Muwaadiniinta ka joogta Magaalada Addis Ababa oo xoogagga Mucaaradka ah diiradda u saaran.
War kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Muwaadiniinta qudhooda looga dalbaday in ay is furdaamiyaan oo haddii ay jirto cid awoodda in ay isaga baxdo Itoobiya degdeg boorsadeeda uga xirato.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dhawaan beeniyay wararka sheegaya in TPLF si tartiib-tartiib ah ugu sii siqeyso Magaalada Addis Ababa si ay usoo dhinto fogaanta ay u jiraan, waxa uu arrintaas ku sifeeyay been abuur lagu doonayo in uu dalka isaga baxo.