Mareykanka oo sheegay in Al-shabaab ay hadda ka Awood Badanyihiin Sanadihii hore!!

0

Dowladda Mareykanka ayaa sheegeysa in Awoodda Al-shabaab ee Soomaaliya ay tahay mid xoog badan, isla markaana kasii xoogeysaneysa heerkii ay taagneyd waayihii Dambe.

Gudiga Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa su`aalo weydiiyay Taliska AFRICOM ee Mareykanka u qaabilsan Howgalada Qaarada Afrika, Taliyaha Ciidanka Mareykanka u qaabilsan Afrika ee AFRICOM General Thomas Waldhauser ayaa xubnaha Guddiga Ciidamada ee Aqalka Wakiilada uga jawaabay su’aalooyin dhowr ah oo ku saabsanaa guud ahaan Howlgalka AFRICOM ee ay ka sameeyeen qaar ka mid ah Wadamada qaaradda Afrika.

Taliyaha ayaa si gaar ah waxaa wax looga weydiiyay Howlgalka ay kawadaan Soomaaliya waxa uu sheegay Howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya uu mid ka yahay dadaalada caalamiga ah oo lagu caawinayo Soomaaliya.

General Thomas ayaa soo hadal qaaday intii su`aalaha la weydiinayay Duqeymo ay ka fuliyeen Gobolada Jubooyinka iyo Sh/Hoose, iyo dagaalka lagula jiro dagaalamayaasha Al-shabaab, wuxuuna sheegay duqeymii ay ka fuliyeen Goboladaasi ay dhamaan ay la bartilmaameesadeen Xubno sar sare iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Wuxuu sidoo kale uu ku nuux nuux saday in wali ay taagan tahay Awooda dagaalamayaasha Al-shabaab, wuxuu tusaale u soo qaatay Weeradii Al-shabaab ay ka fuliyeen Isgoyska Zoobe ee dhacay sanadkii tagay 2017-da, iyo qaraxyo kale oo ka dambeeyay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Mareykanka u qaabilsan Afrika ee AFRICOM General Thomas Waldhauser ayaa dhanka kale tilmaamay in ay sii wadi doonaan Duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Duqeymahaasi ay ku taageerayaan Dowlada Soomaaliya sidii ay ugu adkaan laheed Al-shabaab iyo sidii ay u dhisan laheed Ciidamo sugo amaanka Dalka Soomaaliya.

Taliska AFRICOM ee Mareykanka u qaabilsan Howgalada Qaarada Afrika ayaa kordhiyay sanadkii tagay iyo sanadkaanba Duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya.