Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn la beegsaday Al Shabaab

0

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa Arbacadii ina dhaaftay Duqeyn la beegsaday saldhig Ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in Duqeyntan si gaar ah loola beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Shabaab.

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan Africom, ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay afar ka mid ah Al-Shabaab

Mareykanka qoraalkiisa kuma aanu sheegin khasaare nafeed oo soo gaaray dadka Shacabka ah ah ee ku sugan Awdheegle.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarkaasi oo ay fuliyeen ciidamo iskaashanaya uu ka dambeeyay kaddib markii Mareykanka iyo ciidamada saaxiibada ah ay la kulmeen weerar islamarkaana uu weerarka Awdheegle ahaa is difaacid.

Mareykanka ayaa horay u sheegay in ay ka go’an tahay dagaalka kooxaha ka dagaalama Soomaaliya sida kooxda yar ee Daacish iyo Ururka Al Shabaab ee ku sugan meelo ka mid ah dalka, kuwaasi oo dagaal kula jira dowladda federaalka