Mas’uuliyiin goordhow gaartay deegaanka Abal oo la kulmaya Muqtaar Roobow

0

Deegaanka Abal ee Gobolka Bakool waxaa gaaray Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasi oo ujeedkooda yahay iney la kulmaan Sheikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed ee gaaray Abal waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Xusen Maxamed Eelay,iyo taliyaha Ciidamada Nabad-Sugida koonfur Galbeed iyo Masuuliyiin kale,kuwaasi oo saacadaha soo socda lagu wado iney la kulmaan Muqtaar Roobow.

Ujeedka ay halkaasi u tageen Msuuliyiintaan ayaa waxaa lagu sheegay sidii ay ula kulmi lahaayeen Sheekh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo wax ka yar 1KM, u jira deegaanka Abal.

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in deegaanka Abal haatan uu ka socda diyaargarow ku aadan sidii ay u wada kulmi lahaayeen Muqtaar roobow iyo masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxayna ka wada hadli doonaan dagaalka Al-shabaab iyo arimo kale,sida wararka inagu soo gaareen.

Wixii ku soo kordha la soco..