Maxaa ka cusub dagaalka Al-shabaab iyo Muqtaar Roobow iyo Xaalada Caawa?

0

Faah faahino dheaaraad ah ayaa ka soo baxay weerar Al-Shabaab mar kale maanta ay ku qaadeen deegaanka Abal oo ay ku sugan yihiin Maleeshiyad daacad u ah Wadaadka Sheikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Al-shabaab ayaa la sheegay in Ciidamo fara badan ay soo dhoobeen degaanka Abal, sidaasina ay weerarka ugu qaadeen Wadaadka, halkaasi waxaa labada dhinac ku dhexmaray Dagaal aad u xoogan.

Dagaalka dhexmaray ururka Al-shabaab iyo Maleeshiyaadka uu wato Sheekh Muqtaar ayaa la sheegay inuu socday mudo saacado ah, kaasi oo ka dhashay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, inkastoo khasaaraha si rasmi ah aan loo xaqiijin karin.

Wararka caawa naga soo gaarayo deegaanka lagu dagaalamay ayaa sheegaya in dhinacyadii dagaalamay ay wali is hor-fadhiyaan,islamarkaana dadka deegaanka ay cabsi dareemayaan.

Ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo ku sugan deegaanka Abal ayaa qorsheynaya sidii ay qeyb kaga noqon lahaayeen dagaalka.

Ururka Al-shabaab ayaa doonaya iney nolosha ku qabtaan ama ay dilaan Wadaadka ka baxsaday ee Sheikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur,balse maleeshiyo uu wato ayaa ka hortaagan.