Maxaa ka jira in ciidanka Abuu Mansuur ay dhaawaceen Amiir ku-xigeenka Al-shabaab?

0

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Maleeshyada daacada u ah Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ay jimcihii dhaawaceen Ku xigeenka Hogaamiyaha Al-shabaab Mahad Warsame Qaley oo loo yaqaano (Mahad Karataay) ka dib markii uu dagaal ku dhex maray Gobolka Bakool.

Inta la ogyahay dagaalka dhexmaray Al-shabaab iyo Mukhtaar Roobow Cali Abuu Manuur ayaa waxaa ku dhintay in ka bada 20-Qof halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Maleeshiyada Al Shabaab iyo xoogaga uu wato Mukhtaar Roobow oo Arbacadii ku dagaalamay Deegaanka Abal, ayay hadana shalay ku wada dagaalameen Deegaanka Seeyalow.

Wasiirka Amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), ayaa waxaa uu sheegay in Shabaabkii dagaalka soo qaaday uu horkacayay Mahad Karataay, laguna jebiyay dagaalka, sida uu yiri.

Warar madax bannaan, ayaa sheegaya in qayb ka mid ah maleeshiyada Shabaab, ay dib uga gurteen deegaankii lagu dagaalamay, markii uu lugta ka dhaawacmay Mahad Karataay, oo ururka dhexdiisa looga yeero Abuu C/raxmaan.

Wasiir Xasan Eelaay, ayaa Jimcihii ku celiyay in mowqifka Dowladda Dhexe iyo kan Koonfur Galbeedba uu yahay in la soo dhaweeyo cid kasta oo ka tanaasusha fekerka khalafsan ee Shabaabnimada.

Abuu Mansuur, ayaa ka cararay Al Shabaab, ka dib markii uu ka carooday Saraakiil sar sare oo uu laayay Amiirkii hore ee Al Shabaab, Axmed Cabdi Aw Maxamed (Axmed Godane).

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku garab siinayaan maleeshiyada uu wato Wadaadka gooni u goosadka ah ee Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.