Maxaa ka jira in Madaxweyne Farmaajo cadaadis lagu saaray inuu farageliyo xiisada siyaasadeed ee Baarlamaanka ?

0

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu cadaadis kala kulmay Madax ka tirsan Beesha Caalamka, si uu faragelin ugu sameeyo xiisada siyaasadeed ee maalmihii la soo dhaafay dalku galay, kaddib markii mooshin laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujiyay xiisada siyaasadeed ee uu dalku galay, waxaana ay si degdeg ula soo xiriireen Madaxweyne Farmaajo oo xiisadan ka aamusnaa tan iyo markii mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo ay la soo hadleen Madax kala duwan, sida Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda iyo Madaxweynaha Jabuuti, iyagoo ka dalbaday inuu gacan ka geysto xalinta khilaafka siyaasadeed.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la soo xiriiray Xafiiska Arrimaha Dibadda Britain, waxaana lagu booriyay Madaxweynaha inuu qaato doorkiisa hoggaamineed ee ku aadan xalinta khilaafka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dadaalada isku xirka beesha caalamka iyo Madaxweyne Farmaajo uu lahaa Ergeyga gaarka ah ee urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Mohamed Guyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa gelinkii dambe ee habeen hore ku baxay xiisada, si uu u xaliyo, waxaana uu ku guuleystay in dalab uu u jeediyay Guddoonka Baarlamaanka in la hakiyo kulankii loo balansanaa sabtidii shalay, kaasoo laga cabsi qabaay inuu ka dhasho fowdo iyo qalalaase, maadaama labada dhinac ee Xildhibaanada ay kala wateen labo ajande oo kala gaar ah.

Dhinaca kale warar ku dhow dhow Xarunta Xalane ayaa sheegaya in maalmaha soo socda lagu wado in magaalada Muqdisho ay ku soo fool leeyihiin Wafuud ka socda Beesha Caalamka, si ay uga qeyb qaataan dadaalada lagu xalinayo xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari.