Maxaa ka jira in Taleefanada laga damiyay Xildhaanada?

0

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ay Dood Adag ka leeyihiin Amniga Dalka oo Laamaha Amniga Qaranka ay Saraakiishooda kulanka kusugan yihiin.

Xildhibaanada ayaa su’aalo culus weydiinaya Wasiirada Gaashaandhiga iyo Amniga,Taliyeyaasha Booliska,Meliteriga,Asluubta iyo Kusimaha Hay’ada Nabad Sugida.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xildhibaanada Mucaaradka laga damiyey Mobilada si aysan Live Facebook ugelin maadaama wariyeyaasha lagu reebay Banaanka.

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka ayaa been abuur ku sheegay in ay jiraan wararka la isla dhexmarayo “Hadda Taleefoonkeyga ayaan kaala hadlayaa,lama damin waa kutiri ku teen warkaasi”.

Waxaa la xaqiijiyey in kulanka Dibada looga saaray Shaqaalaha Baarlamaanka Ee aan Xildhibaanada Aheyn si aysan goob joog ka noqon Kulanka Amniga Dalka looga arinsanayo.

Saraakiisha Amniga ayaa waxay dood Culus ka leeyihiin Xaalka Amni ee Sii xumaanaya.